"Mutacalim.com , Hoyga Ardayda Reer Somaliland ee Qaahira, Masar.... "
 
Latest News
Badhax-tira{Maanso Cusub}Waxa tiriyey Yuusuf Cismaan Cabdille "Shaacir"
shaacir.jpgCairo(mutacalim)-Maansadan Badhax-tira waxa tiriyay Abwaanka Yuusuf Cismaan Cabdille "Shaacir waxayna soo baxday 18/01/2010
Qarnigan dhamaaday bilawgiisii ilaa badhtamihiisii waxa isa soo tarayay aqoonta maadiga ah ee debedaha inagaga imanaysay, taasoo aad mooddo inay maanta marayso meelihii ugu sarreysay. Haddaba waxa muuqata in aanay wali la fal gelin waxyaabihii sooyaalka ahaa ee ay bulshadu aaminsanayd sida diinta iyo dhaqanka. Maansadan koobani waxay igaga dhalatay
 
Kooxda kubadda cagta ee dalka Masar ayaa 4_0 ku jiidhay xulka dalka Aljeeriya

siodan.jpgCairo(mutacalim)-Ciyaartan caawa  oo ahayd mid si wayn loo wada sugayay ayaa ku bilaabantay jawi ka degan kii markii hore la saadalshay.
Daqiiqadii 38 ayuu xulka dalka Masar helay penalty (laadka xorta ah) kadib markii la xanaaqadeeyay laacibkooda  garsooraha ciyaarta ayaa siidhiga afka ku dhuftay  waxaanu kaadhka cas  utaagay ciyaar yahanka R. Halliche oo difaaca uga ciyaara xulka Aljeeriya, 

 
Wasiirka Waxbarashada Oo Si Adag Ugu Digay Dugsiyada Gaarka Ah.

klo.jpgHargeysa(mutacalim)-Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Somaliland Md. Xasan X. Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne), ayaa sheegay in aanay dugsiyada gaar ah ka yeelaynin inay macalimiinta ka kaxaystaan dugsiyada dawlada.Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay shir lagaga hadlayay qorshe u samaynta dugsiyada sare oo ay ka qayb galeen 75 maamule.

 
Agabare Maanso la magac baxday, by Abwaan Axmed Awgeedi
Monday, 08 February 2010

Cairo(mutacalim-Agabare waa maanso ka mid ah maansoonyinka uu tiryey abwaanka wayn Ahmed Awgeedi oo kumagac dheer (Dheeraad).Agabare waa maanso uu abwaanku tiriyey wakhti hore lakiin ah mid runtii taabanaysa wakhtiga iyo waaqaca manta aynu joogno. Hadii aynu ka hadalno habeenkaas iyo dareenkii ay keentay maansadani runtii madashiibaa wax hadla laga waayey si bilaa sanqadh oon qofna qofka kale eegayn eed moodo inay dadku maansada ku wada dhexjiraan ayey keentay.

 
110 ARDAY OO SHAHAADOYIN LAGU GUDDONSIIYEY HOOLKA JAAMACADDA BURCO.
Sunday, 07 February 2010
Burco: (mutacalim) Xaflad ballaadhan oo shahaadoyin lagu guddonsiinayay 110 arday oo ka qalinjecisay IT ga iyo luqadaha ayaa shalay lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Burco.
  Xafladdan Ballaadhan oo ay ka soo qaybgaleen Badhasaab Xigeenka Gobolka Tog-dheer Mr.Guled Dahir Samtar, Guddomiyaha Jaamacadda Burco Prof C/raxman Jamac Ducale, Maamulaha Jaamacadda Qaybta Centerka ee Lagu Barto IT ga iyo Luqadaha oo ah Qaybta aradydeedu shahaadada qaadanaysay, masuuliyin sarsare oo ka socotay Wasaradda Waxbrashada, Waalidiin iyo marti sharaf kale oo badan.

 
Hambalyo: Abwaanka Weyn Mr Khadar Maxamed Axmed Bulxan oo ku Aqal-galey Dalka Norway
Sunday, 07 February 2010
abcdef.jpgCairo(mutacalim)-Dhammaan Xubnaha Ururka Hidaha, Dhaqanka iyo Dhallinyarada Somaliland ee Murtimaal oo kalah
Jamaal Maxamed Sheekh Abubakar, Axmed Maxamed Shaqale (Axmed Future), Axmed Cabdi Cabdillaahi Riiraash, C/Ladiif Cismaan Caabey, Maxamed Cumar Aaden, C/rasaaq Jaamac Gaas Mucaawiye, Maxamed A.Taahir, Khaddar Gaas, C/rasaaq Maxamed Cali, Mustafe C/kariim Cali Buux,Mustafe Maxamed Xasan Gacma-dheere, C/rasaaq Maxamed Muuse, Kamaal Saciid, Xamse Xaaji Xuseen,C/xakiin Axmed Carab,Sahra Maxamed Cali{Sahra Ladan},Yaasmiin,Maxamed kaahin Naciima Yuusuf Cilmi.
 
Maanso lamagac baxday Dhiilo Dhaqan,by Axmed Maxamed Faarax (Badeed)
Saturday, 06 February 2010

Cairo(mutacalim)-Asalaamu Calaykum Dhamaan dadwaynaha jecel Suugaanta iyo dhaqanka, waa tix yar oo dhaqankii aan is ku waraysanayno oo uu ka waramaayo sababaha keenay inuu dabar go’o iyo siyaabaha dib loogu soo celinkaro.waxay soobaxday 9/1/2010  habeen sabti.waxa curiyay oo ay maskaxdiisa kasoo maaxatay Axmed moxamed faarax (badeed) Maansaduna waxay tidhi oo ay ku bilabmatay sida tan :

 
Adduunka ama Kownka(Qaybtii 22aad) Aafooyinka Bulshada( Qaadka)
Saturday, 06 February 2010
aduunka_ama_kownka.jpegCairo(mutacalim)-Qaadka marka si dhab ah loo qeexayo,oo lagu salaynayo diinteenna xaniifka ah, iyadoo aan la iska indha tiraynin,xaqiiqada cilmiyeed ee geedka qaadka ah,iyo xaqiiqada diineed ee ku waajahan isticmaalkiisaba,waxa inoo caddaanaya in uu xaaraan yahay,oo ay waajib tahay in laga dheeraado,waayo diin ahaan wax kasta oo kaa joojiya waxa Alle ku faray waa xaaraan,wax kasta oo khilaafaya manhajka Alle,    oo gudashadiisa wiiqaya ma bannaana oo waa xaaraan.
 
Sideed u xoojin karta kalsoonida naftaada..?
Saturday, 06 February 2010

ssssssssssssssss.jpegCairo(mutacalim)-marka hore iga gudooma salaan qiimo badan raxmadina ku dheehatahay oo lagu xusay diinteena islaamka aslaamu calaykum.
Kalsoonidu waa burjiga iyo bawarka naftaada.waa awoodda aad ku kasbato naftaada iyo tan aaadmaha kale ,waa hibo ilaahay ku siiyo oo aan habeena cidi kaa qaadi karin ,waana dubaha aad ku burburiso caqabad kasta oo kaa hortimaada. Kalsoonidu waxay sabab utahay qayb libaaxna ka qaadataa  wax soo sarka iyo guusha qof wal oo bani aadam ah.

 
Maxaad ka Taqaan Afafka Caalamka Dabar-go'a Afafka Halkuu Kaga Jiraa Af-Soomaaligu?
Thursday, 04 February 2010

Hargeisa(mutacalim)-Qormadeenan maanta waxaynu ku soo qaadan doonaa afafka caalamka lagaga hadlo iyo siday isu bedbeddelaan horumarkooda amma dib-u-dhacooda, kuwaas oo saameyn weyn ku yeesha hadba bulshooyinka ku hadla iyo degaannada ay ka soo jeedaan.

 
Hargaysa Iyo Habeenkii U Hiilinta Afka Soomaaliga+Sawiro
Wednesday, 03 February 2010
Hargeisa(mutacalim)-Munaasibad Aad Ubalaadhan oo Loo Gu Magac Daray Habeenkii Aqoonyahanka Iyo Naadiaga Akhristayaasha Hargaysa oo Uu Marti ku ahaa Qoraaga,Abwaanak,Aqoonyahanka Wayn Ee Reer Somaliland C/raxmaan C/laahi Faarax{Ina Guri Barwaaqo}.oo Ujeedadeeduna Ahayd Uhiilinta Afka Soomaaliga ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Lagu Qabtay Hotelka Impiriyal Ee Magaaalda Hargaysa.
 
Badhax-tira{Maanso Cusub}Waxa tiriyey Yuusuf Cismaan Cabdille "Shaacir"
Tuesday, 02 February 2010
shaacir.jpgCairo(mutacalim)-Maansadan Badhax-tira waxa tiriyay Abwaanka Yuusuf Cismaan Cabdille "Shaacir waxayna soo baxday 18/01/2010
Qarnigan dhamaaday bilawgiisii ilaa badhtamihiisii waxa isa soo tarayay aqoonta maadiga ah ee debedaha inagaga imanaysay, taasoo aad mooddo inay maanta marayso meelihii ugu sarreysay. Haddaba waxa muuqata in aanay wali la fal gelin waxyaabihii sooyaalka ahaa ee ay bulshadu aaminsanayd sida diinta iyo dhaqanka. Maansadan koobani waxay igaga dhalatay
 
Adduunka ama Kownka(Qaybtii 21aad)
Tuesday, 02 February 2010

guleeeeeeeeeeeeeeeed.jpegCairo (mutacalim)-(1)Qabyaaladda:Waxa bulshada Soomaaliyeed haysta Aafooyin kala geddisan,oo ay aasaas iyo sabab u yihiin Qabyaaladda iyo Qaadku,waxana Alle ina faray in aynu adeecno amarkiisa,    oo la nimaadno waxa la inaga rabo,kana dheeraano waxa la innaga reebay,waxa Alle innaga reebay waxa ka mid ah Qabyaaladda, iyo dhamaan wixii dhibaato iyo madarro inoo leh,  waxa inta badan la isku khaldaa Qabiilka iyo Qabyaaladda,waana laba shey oo kala duwan,

 
Tacsi Tiiraanyo Leh
Tuesday, 02 February 2010
tacsiiiiiiiiiiiii.jpg(Mutacalim)-Dhamaanba ardayda ka qalinjabisay dugsiga hoyga ah ee SOS Sheikh Secondary School oo kala joogaa Somaliland, Malaysia, India, Pakistan, Sudan, Uganda, Yemen, Ethiopia iyo Europe waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii eheladii, asxaabtii iyo bahda reer SOS Sheikh ee uu ka geeriyooday alle naxariistii janno ha siiyee marxuum Khalid Cawil Cilmi oo dhowaan ku geeriyooday dalka Ethiopia.Tacsi Taas lamid ah waxaa diraaya dhamaan xubnaha Ururka Hidaha Dhaqanka  
 
Maxaa soomaalida ugu wacan qoris iyo akhris la’aanta
Tuesday, 02 February 2010
Inta badan dadka soomaaliyeed waxa ay tilmaamaan in qoraal la’aani ka jirto bulshada soomaalida dhexdeeda. Dooddaas oo meel kasta lagaga tiraabo ayaa u baahan in la helo sababta keentay qoraal yaraanta.. Waa hubaal in ay jiraan asbaabo fara badan oo is huwan ama is barkan oo loo aanayn karo arrinkaas. Muddo haatan laga joogo, dhawr bilood ayaa la yagleelay ardaaga Qalinka. Ardaagaas oo aasaaskiisa uu ka danbeeyey Ururka Qoraaga Somaliland, waxa ku bahoobay dhallinyaro ehel u ah qalinka iyo akhriska.
 
Masar oo qaaday markii 7aad koobka kubadda cagta qarada Afrika
Sunday, 31 January 2010

dabaal_dag.jpgCairo(mutacalim)-Xulalka kubadda cagta ee waddamada Masar iyo Chana ayaa iskaga horyimi ciyaarta finalka ee koobka qaarada Afrika ee 2010 ,oo ka dhacday garoonka 11 November  ee caasimada dalka Angola .

Xulka kubadda cagta ee dalka Masar ayaa hantiyay oo sare uqaaday markii 7aad isla markaana ah markii seddexaad oo isku xigta .

 
Mahad celin dhamaan warbaahintii ka qayb qaadatay mowduucii Aduunka ama kownka
Saturday, 30 January 2010

thank.jpgCairo(mutacalim)-Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu.Salaantaa Islaamka,ee qaaliga ah,iga wada guddooma,salaam ka bacdi waxan jecelahay,in aan idiin soo gudbiyo mahadcelin ku saabsan sida wanaagsan,ee sharafta lah,ee aad maqaalladaydii diiniga ahaa,ee taxanaha ahaa iigala qayb qaadateen,oo bulshadeenna u hawl yarayseen,in ay ka faa'iidaystaan,

 
Kooxda kubadda cagta ee dalka Masar ayaa 4_0 ku jiidhay xulka dalka Aljeeriya
Friday, 29 January 2010

siodan.jpgCairo(mutacalim)-Ciyaartan caawa  oo ahayd mid si wayn loo wada sugayay ayaa ku bilaabantay jawi ka degan kii markii hore la saadalshay.
Daqiiqadii 38 ayuu xulka dalka Masar helay penalty (laadka xorta ah) kadib markii la xanaaqadeeyay laacibkooda  garsooraha ciyaarta ayaa siidhiga afka ku dhuftay  waxaanu kaadhka cas  utaagay ciyaar yahanka R. Halliche oo difaaca uga ciyaara xulka Aljeeriya, 

 
Wasiirka Waxbarashada Oo Si Adag Ugu Digay Dugsiyada Gaarka Ah.
Wednesday, 27 January 2010

klo.jpgHargeysa(mutacalim)-Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Somaliland Md. Xasan X. Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne), ayaa sheegay in aanay dugsiyada gaar ah ka yeelaynin inay macalimiinta ka kaxaystaan dugsiyada dawlada.Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay shir lagaga hadlayay qorshe u samaynta dugsiyada sare oo ay ka qayb galeen 75 maamule.

 
Cisbitaalka Al-Xayaat Oo Maanta Ay Amoud Foundation Ku Wareejisay Jaamacada Camuud
Tuesday, 26 January 2010
Boorama(mutacalim)-Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta Cisbitaalka Alxayaat ee Boorama ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka caafimaadka ee Somaliland, Badhasaabka Gobolka Maamulka Jaamacadda Camuud, Hormuudada kuliyadaha Jaamacadda Camuud, Saraakiil ka tirsan Hayada Amoud Foundation oo ka yimid waqooyiga America,Gudoomiyaha waxabarashada Gobolka Awdal, Hormuudka kuliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Hargaysa,
 
Jaamacada Alcayn Oo Soo Bandhigtay Qiimeyn Ay Ku Sameysay Shiradda Telesom Iyo Shirkado Caalami Ah
Tuesday, 26 January 2010
Hargeysa(mutacalim)-Munaasibad lagu soo bandhigay qiimeyn ay shirkadda TELESOM ku sameysay adeega ay bulshada u qabato gaar ahaan raaligelinta macaamiisha ayaa xalay lagu qabtay hotel Emperial ee magaalada Hargeysa.
Cilmi baadhista ay ku sameysay shirkadda Telesom  raali-gelinta macaamiisheeda ayaa waxa iska kaashaday jaamacada Al Cayn ee dalka Imaaraadka iyo Professor Maxamed Yuusuf  Xasan “Iqra” oo isaguna wax ka dhiga jaamacadda Al Cayn,
 
Adduunka ama Kownka(Qaybtii 20aad)
Wednesday, 20 January 2010
Kampala(mutacalim)-Alle subxaana watacalaa wuxu insaanka u dejiyey nidaam iyo manhaj ay raacaan,oo ku dhaqmaan,wuxuna u soo diray Rusul ka tirsan dadka laftiisa,oo la wadaagta  nolosha iyo qaybeheeda kala geddisan,waxana Alle subxaana watacalaa u sheegay Malaa'igta inuu dhulka u samayn doono,cid maamusha oo ku hoggaamisa sharciga iyo waddada Eebbe u dhigay:
 
Halgan Nololeed Iyo Hogol Caashaq. Qaybtii 2aad By Axmed Deeq
Tuesday, 19 January 2010

Cairo(mutacalim)-Waxa kale oo uu maqlay iyadoo la leeyahay,hebel reerka ayuu fadhiyaa oo waa dumar shaneeye.Markaa wuxuu aaminay in hawsha adag oo idil uu raggu saami u helay,taasaana keentay inuu ku qanacsanaado inuu maalin oo dhan adhiga la joogo,isagoon oon iyo oommato afka galin,galabtiina isagoo hanweyn adhiga hooyo.

 
MUUQAALKA DHABTA AH EE URURKA QARAMADA MIDOOBAY IYO HADIMADA UU GEYSTAY
Tuesday, 19 January 2010

                         Kampala(mutacalim)-Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa waxaa la aasaasay sanadkii 1945kii kadib markii uu istagey dagaal-weynihii labaad ee aduunka kaas oo dunida ku reebay burbur iyo waliba kala qob-qobnaan badan oo cadaawad ma guuraan ah ku reebtay qalbiyada dadkii waqtigaas. Fikirka guud ee ka danbeysay asaaska jimciyadan ayaa ahayd in lagu soo afjaro colaadahaas isla markaasna lagu kala garnaqsado

 
Tacsi tiiraanyo leh, inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajcuun
Tuesday, 12 January 2010

Cairo(mutacalim)-Inaa lilaah "Naftu waa amaanoo ma ilaawo mawdku".Alle ha u naxariisto oo ha u nuuro xabaasha, iilka neecaw udgooniyo haku siiyo naruuro.Dhamaan xubnaha Gollaha Fulinta ee Ururka Ardayda Somalind ee Masar,xubnaha Gollaha Dhexe ee ururka, Bahda Shabakada mutacalim.com, iyo dhamaan xubnaha gollaha guud ee ardayda somaliland ee masar, waxay tacsi tiiraanyo leh gaadhsiinayaan qoyska Reer Yusuf Mohamed(Doob).

 
Maamulitaanka Wakhtiga
Tuesday, 12 January 2010

Waxaa mahad iska Ilaaha uumay ee unkay khalqiga kiisa xun iyo kiisa wanaagsan, Ilaaha ay nimcadiisa ku dhamaadaan wanaagyadu waxaa kaloo ammaan iyo sharaf u sugnaatay macallinkayagii, hogaamiyahayagii, tusaalahayagii, xabiibkayagii, Nebi Muxamad Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee iyo intii ku raacday wanaaga Axmaqnino wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye Ayaantii ku dhaaftaana waa waxaan la eegaynee (Afqalooc).

 
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN !!!
Monday, 11 January 2010
heer.jpgCairo(mutacalim)-Cabdishakuur maxamuud gahayr,Cabdicasiis Cabdilaahi Maxamed,Axmed Deeq, , Ibraahin Awxasan , Shirdoon Cabdiraxmaan,Axmed kayse, Guuleed shaafici, Axmed Bushaar, Sharmaarke Muxumed Siciid C/laahi , Axmed Xasan, Siciid Xasan  , Sayid cali,

iyo dhamaan ardayda , jaaliyadda reer somaliland ee dalka masarwaxay tacsi udirayaan:

 
MEHER WACAN
Monday, 11 January 2010
ffffffff.jpg

Hambalyo,,, Hambalyo.....Hambalyo 

 

Dr.C/laahi Sh. Cabdiraxmaan  Cumar

                         iyo

Marwo khadra Mohmoud Ismaciil    

 
TACSI
Monday, 11 January 2010

Cairo(mutacalim)-Dr.Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim,Eng.cabdifataax cumar  cabdilaahi,Eng.faysal aadan Gaaxnuug,Eng.Jamaal Colaad Cumar,Axmed  Maxamed Yuusuf,Ibraahim Xassan Axmed,Maxamed Muuse Muxumed ,Bashiir Baaruud Cumar,Eng.Axmed Maxamed Cali ,Eng.Cabdicasiis Maxamed Xaaji Xuseen Rabbi,Cabdirisaaq Maxamuud Axmed,Dr.Jaamac Muuse Axmed,Eng.Mahad Xasan Darood  

 

 

 
HANBALYO MEHER
Monday, 11 January 2010

                          

Cairo(mutacalim)-Jamaal  Colaad Cumar,Maxamed Muuse Muxumed,Axmed Maxamed Cali,Faysal Aadan Gaaxnuug,Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim,Cabdiqani Sheekh Cabdilaahi,Ibraahim Xasan  Axmed,CabdiCasiis  Maxamed Xaaji Xuseen Raabi Iyo  Dhamaan Xaafadaha  Reer  Baaruuud Cumar iyo Reer Daahir Cige

 
HANBALYO MEHER
Monday, 11 January 2010

                          Cairo(mutacalim)-Cabdicasiis Maxamed Cabdilaahi,Cabdifataax Cumar  Cabdilaahi,Faysal Aadan Gaaxnuug,Jamaal Colaad Cumar,Axmed  Maxamed Yuusuf,Ibraahim Xassan Axmed,Maxamed CabdiRaxmaan Ibraahim,Maxamed Muuse Muxumed ,Bashiir Baaruud Cumar ,Axmed  Maxamed Cali

 
Sitco College oo shahaadooyin guddoonsiisay 200 oo Arday,daawo sawirada.
Friday, 08 January 2010

Burco(mutacalim)-waxaa saaka abbaaro 9:30kii subaxnimo lagu qabtay hoolka xafladaha iyo shirarka ee City Plaza Hotel Xaflad ballaadhan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa, xafladdan ayaa shahaadooyin lagu guddonsiinayay arday gaadhaysa 200 arday oo dhammaysatay qaybaha kala duwan ee ITga.

 
Dumarka, Dhoofka iyo Guurka,WQ. Xasan C. Madar
Friday, 08 January 2010

Cairo(mutacalim)-Tii Soomaali ahayd dhoof u waalatay rag iyo dumarba. Wax walba waa loo huray. Waxyaabihii aan lagu dheerayn jirin baa xagga hore soo maray. Guurka oo ahaa waxyaabaha fiiro dheer iyo foojignaan loo yeelan jiray baa noqday wax aad loo fududaysto. Guurku wuxu ahaan jiray hidde raac. Inanta reerkooda ayaa la eegi jiray. Hooyadeed iyo habar yaraheed baa la eegi jiray. Aabbaheed, abtigeed, adeerkeed, ragga iyo hablaha ay la dhalatay baa la eegi jiryay oo illaa ayeydeed baa la socon jiray. Wiilka sidoo kale reerkooda ayaa la eegi jiray. Milgaha iyo sharafta qoyskoodu beesha ku leeyahay baa la eegi jiray. Doodda, deeqda, geesinnimada ayaa fiiro gaar ah loo yeelan jiray.

 
Sheeko xiiso badan:KALA MAAN, by Cabdilatiif Cismaan Caabi
Friday, 08 January 2010

Cairo(mutacalim)-Ammintu waa goor galab ah waxaana qaaday roob aan sidaas u sii xoogganeyn oo shuux ah. Dadku waxa ay markaas uun ka soo baxeen guryahooda si qof waliba u raacdo danihiisa.Cadceeddu waxa ay dacal kala soo jeeddaa daruur weyn oo dhool ah oo midabbo kala duwan sidata iyada oo fallaadheheeda ku soo fidisey dhulka. Waxa is-haya ileyska cadceedda iyo biyaha meel kasta wadhan,iftiinka ka soo noqonayaana uu cawaray indhaha.Xareeddu waxa ay wadhan tahay meel kasta dadkuna waxa ay isu hambalyeynayaan nimcada Alle u shubay.

 
YOUTH: The Ambassador of Future
Tuesday, 05 January 2010

Many a times, when asked about youth and the true meaning it has, brains may go void. Impossibility is that we could not find a common understanding of what it is all about. I am surprised when I see someone as old as forty-five claiming to be youth! If our forty-five is still youth, what about our twenties! Doesn’t it mean,’ Youth has no age’, as Pablo Picasso once said?

 
Warbaahinta afka soomaliga ku hadasha oo weriyaha Sannadka 2009 u aqoonsatay weriye Mustafe Osman
Monday, 04 January 2010

aaaaaaa.jpgBurco(mutacalim)-Gebi ahaanba adduun weynaha waxa ugu badan ee warka lagu kala qaataa waa warbaahin,sidas ayuuna addunku ku wada socdaa,hadaba Somaliland ayaa kaalmaha ugu horeeya kaga jirta xagga warbaahinta iyadoo ka gaadhay dhinac walba casri,xagga televisionada, xagga idacadaha maxalliga ah,xagga jaraaidada ama joornalada,iyo xagga website yada intaba.

 
Nuxurka Bandhiga Buugii Tobnaad ee Naadiga Akhristayaasha Halkaraan Readers Club+SAWIRRO
Sunday, 03 January 2010

Burco(mutg1.jpgacalim)-Bandhiga buugga 10-aad ee Naadiga Akhristayaasha HALKARAAN READERS CLUB, ayaa caawa ka dhacday hudheelka Barwaaqo ee  magaalada Burco, kaasoo ay ka soo qaybgalleen marti-sharaf isugu jirtay, Abwaano, macalimiinta isugu jirta Suudaan iyo masaari wax ka dhigta machadka NIILEYN ee Burco.Bandhiga Buuga Caawa, ayaa ahaa Buug lagu magacaabo “ AD-DIIN WASIYAASA”, kaasoo ka hadalaya diinta Islaamka iyo aragtida siyaasadda.

 
Adduunka ama Kownka(Qaybtii 19aad) Sifooyinka Muuminka
Sunday, 03 January 2010
a1_map.jpegCairo(mutacalim)-Sifooyinka laga rabo qofka muuminka ah,in uu ku sifoobo,waa kuwa diinteennu ina farayso,oo ay aasaas u tahay taqwada ama cabsida Eebbe oo koobsanaysa dhamaan ku sifowga sifooyinka wanaagsan oo ay ka mid yihiin;sabirka,dulqaadka, furfurnaanta, weji furnaanta,calool xaadhanta, hufnaanta,deeqsinimada, geesinimada, runsheegga, daacadnimada,musuulnimada, xaqsoorka,iyo dhamaan sifooyinka wanaagsan
 
Hambalyo Meher Wacan
Saturday, 02 January 2010

Hargeisa(mutacalim)-Dhammaan Xubnaha Ururka Hidaha, Dhaqanka iyo Dhallinyarada Somaliland ee Murtimaal oo kala ah ,Jamaal Maxamed Sheekh Abubakar, Axmed Maxamed Shaqale (Axmed Future), Axmed Cabdi Cabdillaahi Riiraash, C/Ladiif Cismaan Caabey, Khaddar Bulxan, Maxamed Cumar Aaden, C/rasaaq Jaamac Gaas Mucaawiye, Maxamed A.Taahir, Khaddar Gaas.

 
2009:Sanadkii kor-u-kaca dunida muslimka
Friday, 01 January 2010

Sanad ayaa galbaday,mid kalena wuu curtay,mid baa aqal galay,midna iilkaa la dhigay,midbaa ka qalin jabiyay sanadkiisii jaamacada u dambeeyay,midbaa isagu shaqo uu inbadan sugaayay loogu yeedhay boos ama jago aad uu ugu riyaaqay.

 
Maxaa La Gudboon Ardayda Somaliland ee Ka Qalin Jabiya Jaamacadaha Dibada
Thursday, 31 December 2009

Kampala(mutacalim)-Marka hore iga gudooma salaanta u qiimaha badan oo ah salaanta  islaamka aslaamu calykum , salaaan ka dib waxa maqaalkani ku eegaya ardayda reer somaliland ee ka qalinjabiya jamacadaha dibada kuwaaso aad moodo mudooyinka danbe in ay ka biya diidaan in ay dib ugu noqdaan dalka hooya marka ay u dhamaato jamacadaha ay wax  ka bartaan ee dalalkaasi shisheeye.

 
HALGAN NOLOLEED IYO HOGOL CAASHAQ By(Axmed Deeq)
Thursday, 31 December 2009

Cairo(mutacalim)-Waxay Gu, wada dhasheen ururkii dib u xoraynta Soomaaliyeed ee SNM oo ku aadaanaa 1982 kii.Ma yaqaano bisha uu dhashay danbina kuma laha oo looma sheegin lagumana dhaamo.Wuxuu ahaa habeen dhalad hoodaale ah oo xidigu la jiro.

 
Xuquuqda & Xaqiiqooyinka
Wednesday, 30 December 2009
Cairo(mutacalim)- Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Dadka Allihii Abbuuray ayaa u kala qaybiyey,shacbiyo iyo qabiillo,waxana dhamaantood Alle u soo dejiyey manhaj iyo sharci ay raacaan,oo ku dhaqmaan,taas oo ay tahay Islaannimadu u hoggaansiga amarradiisa,hadaba waxa jira iyadoo diinteenna Alle inoo soo dejiyey ka shiidaal qaadanayna xidhiidh iyo xuquuq dadka iyo Ummadaha ka dhexeysa,
 
TACSI
Tuesday, 29 December 2009

Kampala(mutacalim)-Siciid Maxamed Xaji Cismaan ,Cabdiqaadir Dayib Askar,Xamse Ali ibrahim,Xasan miisaan ,Foosiya Yusuf iyo Dhamaan ardayda reer Somaliland ee waxa ka barata dalalka Uganda,iyo masar.waxay tacsi u dirayaan C/saalan maxamud Ducaale oo aabihii Marxuum Maxamud Ducaale Cumar  oo ku geeriyooday Magaalada Burco 27/12/2009  

 
IILKIYO XABAALAHA QAYBTA 8AAD by Cali Axmed Rabbi-Seenyo
Monday, 28 December 2009

Cairo(mutacalim)-Markii ay Degmo gabdhihii is nabadgelyeeyeen beritona la balamay ayay markiiba Degmo feedha kashay shaqadii guriga ee laga sugaayey, waxaana hada Degmo aad u jeceshahay in ay marba is mashquuliso’ oo ay iyada oo shaqo ku marmarsoonaysay maskaxeeda ama fekerkeeda keli ku ahaato si ay u falanqayso arimaha jacaylka ku shidan iyo doogaha ku laba lixaadsaday qalbigeeda.

 
Fadliga Soonka Maalinta Caashuraa
Saturday, 26 December 2009

  Cairo(mutacalim)-Sida aan ogsoonahayba waxaan galnay oo dhawaan bilowday sanadkii cusbaa ee islaamka, waxaa ugu horaysa sanadkaasi bil khayrbadan oo la yidhaahdo (muxaram).Bishaasi waxaa kujira maalin fadli badan oo lagu dhaafo danbigii sanadkii tagay,sida uu rasuulku inoo sheegay nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

 
Waxaa maanta magaalada BURCO Lagaga dhawaaqay urur isku xidha Dhalinyarta Reer Somaliland ee Qurbah
Thursday, 24 December 2009

Burco(mutacalim)-Ururukan oo magaciisa la yidhaa SAYNA (Somaliland & Abroad youth Network Association) Ururka isku xidhka dhalinyarta Debedda iyo Somaliland Ururkan oo ay  aasaaskii ay lahaayeen laba weriye oo dhlinyaro ah isla markaasna ku kala sugan Burco Iyo Hargaysa,

 
Munaasibadii London ee lagusoo dhaweeyay gudoomiyayaasha jaamacadaha Somaliland
Thursday, 24 December 2009

b3.jpg Iyadoo ay qayb ka ahayd qorshaha ururka ee dhiirigalinta tacliinta iyo beeritaanka jaaliyad (community) Somalilanders ah oo xoogan ayaa wuxu urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community xaflad balaadhan kusoo dhaweeyay taariikhdu markay ahayd December 13-keedi,isagoo la kaashanaya ururada SSUK iyo SSE, gudoomiyayaasha jaamacadaha Somaliland +SAWIRO

 
Hargaysa iyo Habeenkii dhaqanka oo kulmisay Murti-maalo farabadan
Sunday, 20 December 2009

ki1.jpegHargeysa(mutacalim)- Waxa xalay lagu qabtay Hotel Imperial ee Magaalada Hargeysa Habeen loogu Magac daray Habeen Dhaqan iyo Hawraar Xiiso leh, Madashaasi oo kulmisay Abwaano Caan ah oo looga qadariyo Guud ahaanba Cariga Somalida Xildhibaano ka tirsan Aqalka Wakiilada, Dhalinyaro, Aqoonyahano iyo Marti sharaf aad utiro badan.

 
DARAASAD :HABKEE SOMALILAND KU HELI KARTA AQOONSI CAALAMIYA
Sunday, 20 December 2009

Kampsiciid.jpgala(mutacalim)-Maqaalkani wa daraasad kooban oo aan ku eegi doono jidka ugu haboon ee Somaliland u mari karto aqoonsi buuxa, doorka qof walba ka qaadan karo raadinta aqoonsi  caalamiya, xafiisyada iyo haayadaha fuduudayn kara gaadhida aqoonsi caalamiya. Sido kale maqaalkan waxan ku soo bandhigi doona taariikhda iyo hababkii wadamo badan  oo dunida kamid ah u mareen aqoonsiga dunida kale,

 

 

 
fanaanka Caanka Ah Ee Keynaan Oo Booqasho Ku Joogo Somaliland
Thursday, 17 December 2009
knaan01.jpg

Hargeysa(mutacalim)-Fanaanka caanka ah ee xilligan sida weyn ay u xiiseeyaan dhalinyarada ku hadasha af-Soomaaliga gaar ahaan kuwa nool dalalka Yurub iyo Maraykanka, Knaan  Cabdi Warsame oo doraad Hargeysa soo gaadhay ayaa shalay la kulmay wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska, C/risaaq Waaberi Rooble iyo masuuliyiinta wasaaradaasi.

 
Adduunka ama Kownka(Qaybtii 18aad) Nolosha iyo Biyaha
Wednesday, 16 December 2009
Cairo(mutacalim)-Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu Alle subxaana watacaalaa wuxu shey kasta ka yeelay mid biyaha ku nool,oo ay noloshiisu ku salaysan tahay:
 
Munaasibada Soo Dhaweynta Ardeyda Cusub Ee Sudan 2009/2010
Wednesday, 16 December 2009
Khartoum(mutacalim)-Munaasibad Lagu Soo Dhaweynayey Ardeyda Cusub ee Sanadkan Waxbarashad Jaamacadeeda Looga soo Aqbaley +daawo sawirada
 
More...
<< Start < Prev 1 2 3 4 5 Next > End >>

Results 1 - 100 of 486
 
© 2008-2009: Mutacalim : Cairo, Egypt

Powered by Somaliland Technology